Qodobbada Ka Soo baxay Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta.

            Qodobbada Ka Soo baxay Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta.
Hargeysa-03-08-2023-()-Fadhigii 115aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay qodobbo ay ka mid yihiin dhaqaalaha guud ee dalka.
Sidoo kale, goluhu wuxuu lafo-guray doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo sidii Xisbiga Kulmiye ugu diyaar-garoobi lahaa u tartamidda ka mid noqoshada saddexda Xisbi Qaran ee tobanka Sanno ee soo socda iyo u diyaar garowga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u qorshaysan 20-Augst-2023 inuu ka qabsoomo Magaalada Burco.
Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo-qoraalka Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay soo diyaariyeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxaana faah-faahin dheeraada golaha ka siiyey Garyaqaanka Guud.
Ugu danbayn waxa goluhu Dood iyo falanqayn qaadatay laba fadhi ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT), iyadoo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.