ansixinta Xeerka Kalluumaysiga:

ansixinta Xeerka Kalluumaysiga:

Fadhigii 39-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL oo uu Shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu ansixiyey Xeerka Kalluumaysiga JSL, kaasi oo noqonaya Xeerkii 7-aad ee ay ansixiyaan Golaha Wasiirradu muddadii ay jirtay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad.
Madaxweynaha ayaa Xeerkan geliyay cod gacan taag ah. Golaha waxa fadhiyey 39 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada; 37 Xubnood ayaa u codeeyey Xeerka, hal xubin ayaa diiday, halka hal xubina uu ka aamusay.


ALLAA  MAHAD LEH
Xuseen Aada Cige(deyr)
Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland