Fadhigii 40-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa lagaga wada hadlay 11 qodob oo muhiim ah

  • Habraaca Shaqaalaysiinta Shaqaaalaha Dawladda Nidaamka -Taabashada Shaqaalaha

Waxa ka war bixiyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame.
Guddoomiyaha ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin la xidhiidha nidaamka dib-habaynta, maamulka iyo maaraynta Shaqaalaha Dawladda, isaga faahfaahin ka bixiyey hanaanka xaqiijinta, sugidda iyo saxidda xogta shaqsiga ah ee xubinta Shaqaalaha Dawladda ee ku kaydsan Nidaamka loo yaqaan HRMIS.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in nidaamkan si buuxda loo tijaabiyey, wajigii kowaad ee dejinta, samaynta iyo hirgalinta nidaamka xaqiijinta iyo hubinta Shaqaalaha uu guul ku soo dhamaaday. Gudoomiyaha ayaa Golaha Wasiiradda ku wargeliyey in ay Shaqaalaha ay maamulaan ku diyaariyaan goobta iyo goorta loo cayimay in lagu xaqiijiyo xogta shaqsiga ah oo sugan.
Ugu danbayn, Gudoomiyuhu waxa uu Golaha Wasiirada la socodsiiyey Wareegtada Madaxweyanaha ee nuxurkeedu yahay nidaamka shaqaalaysiinta Shaqaalaha Dawaladda, hadda wixii ka dambeeyana ay hogaamin doonto Hay’adda Shaqaalaha Dawaladdu, iyada oo loo raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda iyo Xeer nidaamiyeyaasha ka farcama.