
Qabyo-qoraalka xeerka Abuurka (Shinnida) Beeraha Qaybinta 1-aad
Qabyo-qoraalka xeerka Abuurka (Shinnida) Beeraha Qaybinta 1-aadWaxa wadajir uga war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf iyo Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed Faarax.
Wasiirku waxa uu Golaha u sharraxay faa’iidooyinka badan ee uu Xeerkan Abuurka Beeruhu u leeyahay Qaranka JSL. Wasiirku waxa uu si gaar ah u dul istaagtay in Xeerkani:
1. Uu xaqiijinayo nidaaminta iyo joogteynta horumarka abuurka iyo abqaal dhireedyada;
2. In uu hagayo barnaamij qorshaysan oo ku saabsan ururinta abuurka waddaniga ah, ilaalinta hidde-sidaha abuurka;
3. Nidaaminta abuurka waddanka soo gelaya,
4. Hubinta tayada iyo daba-galka macluumaadka ku qoran abuurka dalka soo gelaya ee ka imanaya dibedda;
Gabagabadii, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaradda Horumarinta Beeruhu ay leedahay dhammaan awoodaha iyo masuuliyadaha lagama maarmaanka u ah hirgelinta, maamulka, iyo kormeerka arrimaha la xidhiidha horumarinta, wax soo saarka, kaydinta, ilaalinta iyo qaybinta Abuurka iyo Abqaalka dhirta Jamhuuriyadda Somaliland.
