
WAR SAXAAFADEED
5.Qaybinta Qaybo-qoraalka Siyaasada Qaranka ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha (Qaybinta 1-aad)
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax:
Wasiirku waxa uu Golaha Wasiiradda siiyey warbixin guud iyo muuqaal guud oo la xidhiidha sababta loo curiyey Siyaasadda Dhallinyarada ee hortooda taalla.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Curinta Siyaasadda Qaranka ee Dhallinyarada ay tahay tallaabo muhiim ah oo dhiirri gelinaysa horumarka Dhallinyarada JSL, isla markaana qeexaysa istiraatiijiyaddii lagu dhaqan gelin lahaa Siyaasaddan iyada ah.
Wasiirku waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada ka codsaday in ay si buuxda u soo akhriyaan nuqulka Siyaasadda, nuxur ahaan iyo ujeeddo ahaana ay ku soo daraanwixii ay u arkaan muhiim.
