Shirka Xafiiska Garyaqaanka Guud, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo weftiga ka socda Baanka Adduunka

 

Shirka Xafiiska Garyaqaanka Guud, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo weftiga ka socda Baanka Adduunka

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Jama Qodax iyo Garyaqaanka Guud ee Qaranka Dr, Cabdisamad Cumar Maal ayaa maanta Xafiiska Garyaqaanka Guud kula kulmay weftiga ka socda Baanka Adduunka oo maalmahanba safar shaqo ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulankan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhamaystirka qabyo qoraalka Xeerka Hawl-gabka Shaqaalaha Dawladda iyo Siyaasadda Hawlgabka shaqaalaha dawladda iyo sidoo kale Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka shaqaalaha dawladda oo Xafiiska Garyaqaanak Guud iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ay si wada jir ah uga shaqeeyeen. Garyaqaanka Guud ayaa kulankaasi kaga war bixiyay halka ay marayaan geedi socodka qabyo qaraallada xeerarka iyo siyaasadahaasi oo la rajaynayo in dhawaan loo gudbiyo Golaha Wasiirada JSL.

Xeerarka Hawl gabka shaqaalaha dawladda oo ka mid ah barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ayaa wax wayn ka tari doona hawlaha lagu horumariyo dhaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Dhinacyada shirka ayaa isku afgartay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta ka dhaxaysa ee la xidhiidha barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda.