Doodda Iyo Ansixinta Qabyo-qoraalka Xeerka Abuurka (Shinnida) Beeraha JSL.


Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf.

Dood iyo falanqayn kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu ka codsaday Xubnaha Golaha Wasiirrada ee goob-jooga ahaa Fadhiga 45-aad (36 xubnood) in loo codeeyo Xeerkan, taasi oo si aan loo kala hadhin loog codeeyey Xeerka, iyada oo aanay jirin cid diiday ama ka aamustay Xeerka Abuurka Beeraha.

Xeerkan ayaa ahaa kii 8-aad ee ay ansixiyaan Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee JSL muddada ay xilka haysay