
Taariikhda 04/12/2025 waxaa hoolka shirarka ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda ka qabsoomay kulan lagu gorfaynayay habraacyadda iyo xeer-nidaamiyayaasha ka farcama xeerka Hawlgabk
Taariikhda 04/12/2025 waxaa hoolka shirarka ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda ka qabsoomay kulan lagu gorfaynayay habraacyadda iyo xeer-nidaamiyayaasha ka farcama xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta SHD.Kulanka waxaa ka soo qayb galay Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Agaasimaha Guud ee Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta SHD, lataliyaha sharciga ee Wasaaradda Dawladdaha hoose, lataliyaha sharciga ee Hay'adda Hawl-gabka, lataliyaha sharciga ee Hay'adda Shaqaalaha iyo masuuliyiin ka kala socda Madbacadda Qaranka ,iyo Baanka Dhexe ee Somaliland.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigay habraacyo iyo xeer nidaamyo kuwaas oo ay wada diyaariyeen Hay’dda hawlgabka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud. Ugu danbayn shirkasi wuxuu kusoo dhammaaday Guul.
