Doodda Iyo Ansixinta Siyaasadda Qaranka ee Dhalinyarada

Doodda Iyo Ansixinta Siyaasadda Qaranka ee Dhalinyarada:

Siyaasadda Qaranka ee Dhallinyarada JSL oo todobaadkii hore loo qaybiyey Golaha Wasiirrada si ay u akhriyaan, ayaa waxa si kooban uga warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax iyo Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed, iyaga oo Golaha ka codsaday in si buuxda loo ansixiyo Siyaasaddan. 

Dood iyo falanqayn kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Golaha faray in loo codeeyo Siyaasadda Qaranka ee Dhallinyarada JSL. 37 Xubnood oo joogay Fadhigii 42-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL ayaa u codeeyey Siyaasadda Dhallinyarada, iyada oo aanay jirin cid diiday ama cid ka aamustay.

Habraaca Tirtiridda Summadda (Taarikada) Gaadiidka Iyo Habraaaca Maamulka Geerashyada Iyo Dhalan-rogga (googaynta) Gaadiidkaa:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab). 

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddu ay dejisay habraac cusub oo lagu nidaaminayo tirtiridda summadda (taarikada) Gaadiidka, maamulka Geerashyada iyo dhalan-rogga Gaadiidka, si loo helo nidaam casri ah oo hufan oo waafaqsan Sharciyada dalka JSL. 

Dhanka kale, Wasiirku Gaadiidku waxa uu sheegay in dhalan-rogga Gaadiidka (googoynta) keliya la oggolaan doonaa kaddib kormeer farsamo oo buuxa, iyada oo la hubinayo in wax-ka-beddellada lagu sameeyey Gaadiidku ay u hoggaansan yihiin tilmaamaha  bedbaadada iyo Xeerarka waddo-marista dalka JSL.