Fadhigii 47-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu weh

Fadhigii 47-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. 

Fadhigii 47-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen: 

Doodda Siyaasadda qaran ee Maaamulka Dhulka

Waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda Mudane Cali Baashe Maxamed iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Mudane Xuseen Axmed Caydiid. 

Waxa ay sheegeen in Siyaasadani tahay mid u gogol xaadhaysa samaynta Xeerka Guud ee Maamulka Dhulka Somaliland iyo siyaasadihii qaybaha kala duwan ee dhulka lagu maamuli doono. Waxa ay sheegeen in Siyaasadda Qaran ee Maamulka Dhulku ay abuurayso nidaam sharciyeed oo sugan, looguna maareeyo arrimaha dhulka si hufan oo caddaalad ah, kana hortagaysa khilaafaadka la xidhiidha dhulka. 

Golaha ayaa ka dooday Siyaasadda Qaran ee Maamulka Dhulka, waxana loo ballamay in ay dooddu sii socoto fadhiga dambe, Idamka Allah.