
Fadhigii 22-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
WAR SAXAAFADEED
Hargeysa, 11.06.2025
Fadhigii 22-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Ajendaha lagaga hadlay fadhigii 22aad ee Shirka Golaha Wasiirada waxa ka mid ahaa :
1. Warbixinta Amniga iyo Xasiloonida Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab.
2. Warbixinta Arrimaha Maaliyadda, Dakhliga iyo Dhaqaalaha Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane, Cabdillaahi Xasan Aadan.
3. Warbixinta Dhoofka Xoolaha iyo wax-ka-beddelka Qaabka ay Xooluhu u maraan dhoofka iyo sidii loo tayeyn lahaa: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed
4. Warbixinta Barnaamijka DALJIR oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan.
5. Ka-hortagga iyo yaraynta Shilalka Gaadiidka qaada Ardayda Dugsiyada: Waxa ka war bixiyey Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska iyo Wasiirradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab).
6.. Warbixinta Xaaladda Ceel-Afweyn iyo hanaqaadka nabadda iyo Weftigii ka socday Xukuumadda ee bulshada kala qayb galay farxadda Ciidal Adxa: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac.
7. Samayta Siyaasadda Wasaaradaha iyo Waafajinta Qorshaha Guud ee Qaranka JSL: Waxa ka war bixisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi.
8. Qaybinta Qabyo-Qoraalka Xeerka Tamarta iyo Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed ee JSL (Somaliland Diplomatic Missions Acts):Waxa ka war bixiyey Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL, Mudane Cabdisamad Cumar Maal.
ALLA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
-
50653078312719645776231102614210139080536536nView
-
5061879001271967604289474193857664236105823nView
-
50585893512719662909562721897411403537986134nView
-
50552934812719657276229958344968388940794877n CopyView
-
5057536391271965500956351205000147796415565nView
-
50578069612719715942890755877402026263457025nView
-
50596066812719653342897015597011190089716558nView
-
506133273127196524095637743362802032262236nView