Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo lagaga Hadlay Amniga iyo Ganacsiga Laguna Ansixiyey Laba Xeer.

Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo lagaga Hadlay Amniga iyo Ganacsiga Laguna Ansixiyey Laba Xeer.

Hargeysa-14-12-2023-()-Fadhigii 121aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta diirada lagu saaray qodobo la xidhiidha Amniga iyo Ganacsiga, laguna ansixiyey xeerar kala duwan.
Ugu horayn Golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ka xog-waramay xaaladda amniga dalka. Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay, Wasiirka Wasaaraada Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ka hadlay arrimaha ganacsiga dalka.
Dhinaca kale Golaha Wasiirradu waxa uu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay wax ka bedelka iyo kaabista laba xeer oo ay soo wada diyaariyeen Garyaqaanka Guud ee Qaranka, wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka, Xeerarkaas oo kala ah;

1. Kaabista iyo wax-ka bedelka Xeerka Xannaanada Xoolaha, Xeer Lr.34/2006 iyo
2. Wax-ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Lr.35/2007.
Ugu dambayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu cod geliyey labadaa xeer oo ay golaha wasiirradu ku ansixiyeen cod gacantaag ah, waxaana loo gudbin doonaa golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.