Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo Ansixiyey Xeerka Garyaqaanka Guud

Kal-fadhigii 30-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada, waxana lagaga dooday, laguna ansixiyey siyaasado iyo xeerar qaranka faa’iido badan u leh.

Kal-gadhigan oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayey xubnaha golaha wasiirradu ku ansixiyeen xeerka garyaqaanka guud ee qaranka, kaas oo qeexaya xilka iyo waajibaadka xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka oo ka kooban diyaarinta qaybo-qoraallada xukuumaddu curiso, la-talinta sharci ee dhammaan hay’adaha xukuumadda, metelaadda dacwadaha medinga ah ee dhammaan hay’adaha dawladda iyo inuu faafinta rasmiga ah kusoo saaro gebi ahaanba xeerarka ansaxay ee qaranka.

Sidoo kale, golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey nuqullada siyaasadda shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo wax-ka-beddelka xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004.

Dhinac kale, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa warbixinno lagaga dhegaystay wasiirrada wasaaradaha macdanta iyo Tamarta iyo horumarinta biyaha, iyaga oo golaha hortooda kusoo bandhigay qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahoodu ku hawlannaayeen sannadkii dhammaaday iyo sannadkan soconayaba, isaga oo wasiirka Macdanta iyo Tamartu golaha ka hor jeediyey ahmiyadda ay shidaal soo saaristu qaranka u leedahay iyo sida ay wasaarad ahaan ugu hawllan yihiin inay dalka gaadhsiiyaan koronto ku filan oo laga dhalinayo Tamarta qorraxda.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ayaa  ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in qaranka laga haqab-tiro biyo ku filan, isaga oo xusay in muddadii uu wasaaradda joogayna uu horumariyey gebi ahaanba ceelashii iyo dhaamamkii aynnu hore u haysannay, islamarkaana ay soo kordhiyeen ceelal faro badan, iyada oo diiradda la saarayo meelaha ay biyo la’aantu ka jirto, taasina ay safka hore kaga jirtey barnaamijkii ololaha xisbiga KULMIYE iyo siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku wajahan helitaanka biyo nadiif ah oo gaadha dhammaanba shacab weynaha reer Somaliland.