Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Hambalyo Ah Ku Qaabilay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Wakiillada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Hambalyo Ah Ku Qaabilay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Wakiillada.
Hargeysa-23-07-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay guddoomiyaha cusub ee loo doortay guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud.
Munaasibadda uu madaxweynuhu ku qaabilay guddoomiyaha cusub oo ay ku wehelinayeen guddoomiyaha golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ku-xigeennada golaha wakiillada, xildhibaanno Baarlamaanka katirsan, xubno katirsan xisbiga KULMIYE, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale, ayey ujeeddadeedu ahayd hambalyo iyo bogaadin loo dirayey guddoomiyaha cusub ee hoggaamin doona golaha wakiillada.
Ugu horrayn, wasiirka arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa hambalyeeyey guddoomiyaha cusub, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), waxana uu doorashadiisa ku tilmaamay mid guul u ah guud ahaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil oo isaguna madasha hambalyo kooban ka diray ayaa bulshada ugu baaqay inay midnimadooda ilaashadaan, guddoomiyaha cusubna la shaqeeyaan.
Guddoomiyaha cusub ee loo doortay golaha wakiillada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha iyo xildhibaannadii gacanta u taagayba hambalyeeyey, waxana uu uga mahadnaqay sida ay mudnaanta gaarka ah u siiyeen.
Guddoomiyaha golaha guuurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna ku dheeraaday shaqsiyadda guddoomiye Faratoon, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu goluhu helay waayeel hayin ah oo taariikh suubban leh oo hoggaamintiisa loo han weyn yahay, isaga oo xubnaha golahana ugu baaqay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda kooban soo gunaanaday, ayaa ugu horrayn hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee la doortay, isaga oo guushiisa ku tilmaamay tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca nabadda gobolka Sool.
Madaxweynuhu waxa uu doorashada Faratoon ku sifeeyey farriin cad dunida ku socota laguna muujinayo sida ay bulshadu uga midaysan tahay wax wada-lahaanshaha iyo nabad ku wada noolaanshaha,“Maanta waxad dirteen cod qarannimo, cod nabadeed ayaa dirteen , cod wax wada lahaanshaa dirteen, cod ergo oo reer Sool ku socdaad dirteen maanta, cod khilaafka xallintiisa ah baad dirteen, waxad dirteen cod qarannimo ee muu ahayn cod siyaasadeed iyo mid wax kala jiidasho, caalamka waxad u dirteen farriin qarannimo oo ah marka uu qaranku u baahan yahay inaynu isku mid nahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashooyinka ururrada iyo midda madaxtooyada oo u kala dambayn doona sida ay Komishanka doorashooyinku jadwalka kusoo saareen.
Golaha wakiillada, ayaa maanta guddoomiye cusub u doortay, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay u codeeyeen 46-mudane, kaas oo golaha hoggaamin doona muddooyinka soo socda.
Wa-bilaahi Tawfiiq